Duulimaadyadaii u dhexeeyay magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho oo maanta baaqday.

Thursday October 01, 2026 - 17:05:49
MeMO Staff
Duulimaadyadii maxalliga ahaa oo u kala gooshi jiray Muqdisho iyo Garoowe ayaa saaka baaqday, kadib markii kooxda Villa Soomaaliya ay dhaqan-gelisay shuruud dhigaysa in dadka gudaha dalka ku safraya ay haystaan wax ay ku sheegeen kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA.
Diyaaradda Freedom Airlines oo saaka lahayd duulimaad ka ambabaxayay Garowe kuna sii jeeday Muqdisho iyo Nairobi, ayaa rakaabkii loogu sheegay garoonka diyaaradaha Garowe in aysan safri karin, maaddaama aysan haysan kaarka NIRA.

Maamulka Puntland ayaa kamid ah meelaha aan laga qaadan kaarka waxa loogu yeero kaarka aqoonsiga ee NIRA, maadaama khilaaf xooggani kala dhaxeeyo maamulka Muqdisho, ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa sababtay in qaar kamid ah dadka doonayay inay safraan ay garoonka dib uga soo laabtaan maanta. Gurguurte ayaa horey ugu goodiyey in qofka aan haysan kaarka NIRA ay mustaqbalka adeegyada qaarkood ku adkaan doonaan.

Mashruucan loogu yeeray kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA ayaa ka mid ah waxyaabaha ay Kooxda Villa Soomaaliya ku dhibaatayso dadka shacabka ah isla markaana kaga urursato lacago fara badan oo baad ah.

Related Items

Update cookies preferences